
Maxaan Qabanaa?
Suuqa Casrigaa ee Kulmiso, waxey ka shaqeysaa sidii la iskuugu xiri lahaa ganacsatada iyo macaamiisha si sahlan.

Himiladeena
In Barig Afrika in aan noqono barta ugu weyn ee Kulmisa una suurta galisa ganacsatada in ay ku soo bandhigaan ganacsigooda; Macaamiishana ay ka helaan badeecadaha ay raadinayaa.

Maxaan Kaga Soocanahay Baraha kale?
Suuqa casrigaa ee Kulmiso, sidaad ka aragtaan magaca waa meel loogu talagalay in ay ku kulmaan ganacsatda iyo macaamiisha. Sidoo kale, waxaad leedhaay bar ka sii hoos tirsan Kulmiso, oo aqbaarta ganacsigaaga adiga kuu goonida ah lagu soo bandhigayo. Waxaan kaloon, ku dadaalnay in aan Soomaali ka dhigno ku dhawaad 95% bartan. Waxaa ka hoowl gala Kulmiso dad qibrad u leh, adeegan la bixinayo, una heelan in ay kuu adeegaan.
Fikirka iyo Magac Bixinta?
Aasaasida iyo hirgalinta bartan waxaa ka dambeysay Dr. Amina Sheikh Cumar. Halka magac xulashada ay ka gacan siiyeen Aabe Sheikh Cumar Maxamuud iyo Hooyo Khadiijo Maxamed, looguna bixyay KULMISO. Waayo hadafkayga ayaa ahaa, in la helo suuq casri ah ay ganacsatadu iyo macaamiisha ku kulmaan si sahlana waxna ku kala iibsan karaan.
Sababta Aasaasida
Waxaan keenay iin aan aasaaso bartan laba sababoob oo kala ah:
- In ay i qabsatay dhoowr jeer in alaab wadanka taala aan ka dalbado dibada, sababtana ay tahay in aanan ka warqabin,
- Tan kale, markaan aasaasay wakaalada bixisa suuq geynta casrigaa ee Koriso, ayaa gabar ganacsato ah, asxaabna aan nahay iala soo xiriirtay si loogu sameeyo bar ganacsi iyo ablikayshankiisa, xoogaa lacagtii ayaa yara cuslaatay adeega lagu qabanayay. Ka dib baan is waydiiyay in ay jiraan ganacsato kala duwan oo rabaan in alaabtooda laga warqabo balsa lacagtana ay ku yara culustahay, tana waa sababtii labaad ee igu dalisay aasaasida suuqa Kulmiso.
Howlgalkeenu
Waxaa ka go’an Suuqa casrigaa ee Kulmiso, in ay macaamiisha helaan adeeg iyo alaab tayo leh. Sidoo kalana, in awood loo siiyo, in ay kala xulan karaan alaabaha kala duwan ee lagu iibinayo suuqa ayagoo jooga xafiiskooda, howgooda, ama meeshii ay doonaan. Waxaa intaa dheer, in loogu geeyo adeegooda meeshii ay doonaan.
Hadafkeenu, waa sidii aan ku hanan laheen kalsoonida macaamiisha, xiriir waarana aan u yeelan laheen.
Wada Shaqeeyn!
Macaamiisha waxaa laga codsanayaa in ay inoo soo gudbiyaan waxa ay jeclaan lahaayeen in ay meeshan ku arkaan, sida alaabo ama adeego ay u baahnyihiin. Waxaadna fariintiina ku soo gudbin kartaa foomka inala soo xiriir.
Maxaan Kuu Qaban Karnaa?
U Adeegid Xiliwalibaa
Waxaan ku dadaaleynaa in alaabta aad dalbatid in laguugu keeno si sahlan, waliba meeshii aad sheegatid.
Alaab Tayo Sare Leh
Suuqa casrigaa ee Kulmiso, waxay ku dadaaleysaa in ay had iyo jeeraale ku soo kordhiso bartan ganacsato idiin haysa alaab tayo sare leh.
Adeeg Dag-Dag ah
Suuqa Casrigaa ee Kulmiso, ganacstada ku soo bandhigta badeecadooda waxey kuugu adeegayaan si dag-dag ah, waxaana laguuguna keenayaa alaabta meeshii aad dalbatid.
Adeega Macaamiisha
Suuqa Casrigaa ee Kulmiso waxa uu ku howlanyahay in xili waiba sidii uu ugu adeegi lahaa macaamiisha.
Macaamiil Qanacsan
Hadafkeenu waa in loo adeego macaamiisha lagana dhigo kuwa ku xiran ganacsiyada kala duwan ee lagu soo bandhigo bartan.