Intaadan Is Diiwaan Galin
- Go’aanso waxa aad rabtid in aad ku iibisid Suuqa Kulmiso: waxaadna ka dooran kartaa in ka badan 20 waaxyood
- Â Diyaari Xogtaada sida:
- Magaca ganacsigaaga loo yaqaano, oo ah magaca ay macaamiisha arki doonaan
- Halka loogu soo hagaagi karo ganacsigaaga,
- Koontada bangiga aad ku leedahahay ama Nambarka saxda ah oo aad rabtid in hadhow ay macaamiisha kuugu shubaan lacagta, markii ay alaab kaa iibsadaan,
- Koopi shatiga ganacsigaga, ama dukuminti cadeynaya qofka iska leh ganacsigaan.
- Is diiwaan gali,
- Ka dibna waxaa ku soo ansixinayaa maamulka Suuqa Kulmiso.
Markaad Is Diiwaan Galisid
- Waxaad billaabi kartaa in aad alaabtaada ku diiwaan galisid barta gaancsigaaga u goonida ah
- Ama soo buuxi foormka howlwadeenada suuqa Kulmiso ay kuu soo dirayaan, si iyaga ay kuugu diiwaan galiyanaan alaabaha kala duwan uu hayo ganacsigaaga.
- Markaad iib sameysid waxaa kuu soo dhacaya email kuu sheegaya iibka.
- Ka dibna markaad heshid lacagta oo aad la heshiisid macaamiilka waxaa lagaa rabaa in aad alaabta u dirtid.
Faa’iidada Ugu Jirta Ganacsata In Ay Ku Iibiyaan Suuqa Kulmiso
- 70% in kabdan shacabkeenu waa dhalinyaro,
- Badashada isticmaalka internetka, waxay kuu sahlaysaa in macaamiisha si sahal ah in ay ku arkaan alaabtaada,
- Ganacsi waliba hadii loo abuuro bar u gooni ah, waxaa dhacda in ay macaamiisha ay haleeli waayaan booqashada barahaa oo idil, balsa bartani waxaa loogu tala galay in ay ku KULMISO Ganacsiydada kala duwan ee ka jira wadanka,
- Waxaad heli kartaa bar u gooni ah oo ganacsigaaga uu leeyahay, iyo macluumaadka ku saabsan ganacsigaaga,
- Hadaadan aqoon u laheen sida loo isticmaalo, waxaad heli kartaa dad qibrad leh, oo u heelan in ay kuu shaqeeyaan xili waliba,
- Hadii aad maalin waliba gadid Kumanaan kun wax lacagtaa aan ku leenahay ma jirto oo boqolkiiba shan tusaalo ahaan kaama qaadaneyno, ee waa kiro macquul ah, ee loo fiirinayo nuuca ganacsigaaga.
Waxyaabaha Keeni kara In Lagaa Joojiyo Isticmaalka Suuqa Kulmiso
- Hadii ay dhacdo in macaamiisha alaabta aad meesha ku soo bandhigtay ma ahanee mid kale ka iibisid,
- Intaad macmiilka lacagtii ka qaadatay in aad alaabtii u keeni waysid,
- Sidoo kale hadii aad bandhigtid alaab aadan heynin.
Hishiishkani Wuu Is Badali Karaa
Suuqa casrigaa ee Kulimso, waxa ay xaq u leedahay in badasho shuruudaha bixinta adeegan, waxa ayna ku soo qori karta is badalkaa barteedaan.